Gabadha fanka ku cusub Ananya Panday waxaa aabo u ah ruug cadaaga Chunky Pandey sidoo kalena gabadhan si xawli ah ayay ku socotaa madaama mashaariic kala duwan gacanta ku dhigeyso waxayna noqotay atirisho xogteeda saxaafada xili walbo baadi goobaan waxayna xidigtaan banaanka soo dhigtay arin iyada u qarsaneed.

Ananya Pandey ayaa haatan duubeyso filimkeeda cusub Khaali Peeli oo ay isla jilayaan Ishaan Khatter waxayna filimkan ku jileysaa gabbar heesaa ah oo dhanka muusigadana ku wacan waxayna Ananya sheegtay in filimkeeda cusub inta badan habeen la duubayo iyadana aysan habeen shaqeesan karin dhibaatana ku qabto la qabsiga jadwalka filimkeeda Khaali Peeli.

Ananya Pandey waxay sheegtay in habeen shaqeesan weyso sabab u yahay Tiger Shroff madaama filimkeedii kowaad Student Of The Year 2 ay la sameesay xiligaasna waxaa dhacday in filimkan maalin la wada duubay waayo Tiger habeen xili hore ayuu seexdaa mana shaqeeyo waxayna ku qasbanaatay sida Tiger oo kale inay barato sida xili hore habeenkii loo seexdo.

Haatana Ananya Pandey waxay ku dhiban tahay dhafarka ku heesto filimkeeda Khaali Peeli oo intiisa badan habeen la duubayo ayadoo sheegtay haddii Tiger Shroff uu dhafarka bari lahaa haatan si sahlan ula qabsan laheyd jadwalka filimkan xiisaha badan.

Dhinaca kale Ananya Pandey waxaa Jimcadan (6 December) tiyaatarada loo saari doonaa filimka jaceylka iyo shactiro isku jiro Pati Patni Aur Woh waxayna isla jilayaan Kartik Aaryan iyo Bhumi Pednekar waana filim heesihiisa gadmeen oo siweyn loo hadal haayo gaar ahaan doorka Ananya ee ku mataleyso gabbar soo jiidasho badan oo Kartik nasiino u diidi doonto damacna galin doonto asigoo qabo Bhumi Pednekar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here