Home » Nolosha Jilaayaasha » Ananya Pandey Iyo Tara Sutaria Oo Tiger Shroff La Jili Doonan Filmka Student of The Year 2!!

Ananya Pandey Iyo Tara Sutaria Oo Tiger Shroff La Jili Doonan Filmka Student of The Year 2!!

Karan Johar ayaa qorsheyay inuu qeyb labaad ka sameyo filmkiisa hirgalay ee guusha wacan gaaray Student of The Year 2

Filmkaan waxaa hogaamiye looga dhigay sida xaqiiq ahaan hore loo shaaciyay atooraha Tiger Shroff balse mudo dheer waxaa la isla dhexmaraayey atirishooyinka Tiger filmkaan la hogaamin lahaayen.

Waxay u muuqata in Karan ugu dambeyn helay atirishooyinkas sababto ah wararki u dambeyay waxay sheegen in Karan filmkiisa atirishooyin kaga dhigi doono Ananya Pandey oo uu  dhalay jilaaga Chunky Pandey iyo gabadha kale Tara Sutaria.

Markii hore waxa la isla dhex maraayey in filmkaan atirishooyin looga dhigo Disha Patani oo ah gabadha Tiger lagu xanto iyo gabadha Mss World sanadkii 2017 noqotay ee Manushi Chhillar.

Waxaa la sheegay haatan in Karan tijaabo ka qaaday 800 oo gabdhood waxuuna kala soo dhex baxay Ananya Pandey iyo Tara Sutarian.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *