Atirishada dhalinta yar Ananya Pandey sanadkii hore ayay Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna dhawaan hanantay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atirishada fanka ku cusub la siiyo waxayna ku muteesatay bandhigii ay ka sameesay filimadii Student Of The Year 2 iyo Pati Patni Aur Woh.

Haddaba Ananya Pandey waxay sheegtay inaysan marnaba iska fogeynin abaal marintii Filmfare siisay oo xitaa ay la seexato ama wehel ka dhigato marka ay hurdeyso ayadoo sawiro hadal heyn xoogan abuureen baraha bulshada soo dhigtay gaar ahaan sawirada ay la hurdeyso ama wehel ka dhiganeyso Black Lady ama marwada maddoow waa koobka Filmfare bixiso.

Ananya oo aabo u yahay ruug cadaa Chunky Pandey ayaa haatan lagu maadeesanaa waxaana lagu tilmaamay gabbar ku qafiiftay abaal marinta Filmfare Awards marba haddii ay soo bandhigeyso sawiro iyada iyo biladaan oo isla hurdaan!

Dhanka shaqada Ananya Pandey waxaa u diyaarsan filimka Khaali Peeli oo ay la jileyso Ishaan Khatter lana daawan doono horaanta bisha June ee sanadkan, Director Shakun Batra filimkiisa xiga oo ay la sameeneyso Deepika Padukone iyo Sidhanth Chutravedi lana daawan doono sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here