Anees Bazmee waa mid ka mid ah Directorada ugu wanaagsan kuwaaso ay haystaan shirkada Bollywoodka maadaama xilli walba uu jecel yahay inuu ka dadka si weyn ugu qosliyo sidoo kalena madadaaliyo isagoo sameeyay filimada sida No Entry , Welcome , Singh Is King iyo kuwa kale oo badan

https://twitter.com/BazmeeAnees/status/1165992925542486016?s=19

isagoo dhawaan saxaafada la  hadalaya ayaa waxa uu Anees Bazmee maadaama filimkan u dabaal-dagayo 14 sano kasoo wareegatay daawashada filimkan

Director Anees Bazmee sheegay inuu dhawaan soo gaba-gabeeyay qorista sheekada filimkan No Entry qaybtiisa labaad isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” waxaan dhameeyay qorista sheekada filimkan No Entry 2 anigoo diyaariyay sheeko shactiro badan meelo badan taabanaysa iyo door walba laakiin

waxaan xooga saaray dhanka iyo shactirada sababtoo waxaa doonaya inan madadaaliyo daawadayaasha hadda kali waxaan sugnaa goorta uu Salman Khan mobileka naga qabto maadaama isaga kaliya aan u xayirannahay sababtoo ah sheekada filimka waa mid aan isaga si qaas ah ugu diyaariyay ”

sidoo kale Anees Bazmee ayaa xaqiijiyay inay filimkan jilo doonan dhawr aktaro badan oo caan ah maadama qaybtii kowaad ee filimkan ay jilay akaro caan sida Salman Khan, Anil Kapoor , Fardeen Khan, Lara Dutta , Bipasha Basu , Esha Doel iyo kuwa kale

dhanka shaqada Director Anees Bazmee hadda waxa uu ku sugan yahay magaalada London isagoo halkaas ku duubayo Filimkiisa Pagal Panti kaaso ay wada jilayaan John Abraham , Arshad Warsi , Pulkit Sumrat , Ileana D’cruz , Kriti Kharbanda aktaro kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here