Angelina Jolie oo ugu dambeyn qiratay in Brad Pitt kadib nolosheeda silac noqotay.

0
1669

Atariishada caanka ah ee Angelina Jolie ayaa sheegtay sidoo kalana ka hadashay duruufta adage e nolosheeda gashay tan iyo markii ay kala tageen ninkii qabay ee jilaaga caanka ah Brad Pitt.

Angelina iyo Brad Pitt ayaa nolosha isku firaaqeeyay sanadkii 2016dii kadib mashaakil soo wajahay noloshooda waxayna ku heshiiyeen iney kala tagaan caruurtoodana isla korsadaan.

Balse Angelina ayaa haatan wareysi ay bixisay ku sheegtay in xaalka nolosheeda gabi ahaanba isbadashay tan iyo sidii ay u kala tageen Brad Pitt waxayna sheegtay in xaaladeeda sii xumaatay sidoo kalana aysan marnaba helin kalsoonida iyo daganaantii ay u baahneyd.

Hadalka Angeluna ayaa kusoo aaday xili atariishadaan dhibaatooyin badan soo martay mudooyinkaan dambey iyadoo 2013dii naasaha laga jaray kadib markuu kansarka naasaha ku dhacay 3 sano kadibna 2016dii waxay kala tageen ninkii qabay ee Brad Pitt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here