Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday in Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor Khan filimkooda Angrezi Medium maalintiisa kowaad ganacsi liito sameeyay madaama uu keenay 3.50 Crore ilaa 3.75 Crore lacago u dhaxeeyo qiyaasta xili hore waxaana filimkan dhibaato ku noqotay inuu horey u dhaqaaqo madaama gobolo badan Hindiya ah tiyaatarada ku yaalo albaabada la isugu dhuftay.

Inkastoo culeeska Coronavirus-ka uu filimkan dareemay haddaba tiyaatarada waa weyn ayuu maanta ganacsi wanaagsan ka sameeyay balse dhibaatada ugu weyn waxay tahay in Mumbai iyo Delhi labada suuq ugu muhiimsan tiyaatarada ugu waa weyn ee ku yaalo amar lagu soo rogay inaysan shacabka usoo daawasho tagi karin. Sidaa darteed filimka Angrezi Medium kooxda iska leh waxaa in badan u wacneyd inay mashruucooda dib u dhigaan.

Dhinaca kale filimka Baaghi 3 isagana hoos u dhac aad u weyn ayuu sameeyay Jimcadiisa labaad wuxuuna keenaya ganacsi ahaan 1.50 Crore ilaa 2 Crore qiyaasta xili hore waana ganacsi liito filimkana waxaa dhibaato ku noqotay tiyaatarada badan ee la xiray iyo isku soo baxa dadka oo aad loo hakiyay inay shineemoyinka soo aadaan.

Sidaa darteed filimka Baaghi 3 waa mashruuc guuleestay balse sida uu HIT dhameestiran ku noqon lahaa haatan xujo adag ku ah madaama xaalka Hindiya wanaagsaneyn gobolo badan tiyaatarada ku yaalanada la xiray weliba si gaar ah suuqyada muhiimka ah Mumbai iyo Delhi oo saameyn xoogan ku yeeshay Coronavirus-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here