Waxaan dhawaan idinla wadaagnay in Director Ali Abbas Zafar sameyn doono filimkii Classic haa Mr. India qaybtiisa labaad oo loo bixiyay Mr. India 2 waxaana hogaamiye ka noqon doono Ranveer Singh halka doorka xumaanta ama laadarkii Mugambo lagu qal qaalinaayo inuu SRK jilo balse weli ma uusan aqbalin.

Haatan atirishada Sonam Kapoor ayaa kooxda Mr. India 2 weerar ku qaaday madaama aysan wax xushmad ah u muujinin Superstar Anil Kapoor oo qaybtii kowaad mashruucan HIT weyn ka dhigay sanadii 1987 waxaana la jishay Sridevi sidoo kalena shirkada Zee Studio oo filimkan iibsatay xitaa waxay xaqiraad k sameeyeen Director Shekhar Kapur oo qaybtii kowaad sameeyay ma aysan wargalinin in Mar. India 2 la sameenayo.

Sonam waxay tiri “Dad badan ayaa i weydiiyay sameynta filimka Mr. India 2, laakiin hadaan dhabta idin kagala hadlo aabaheey Anil Kapoor xitaa kama war qabo in qayb labaad laga sameenayo filimkii taariikhiga ahaa, kaliya aqbaartan baraha bulshada ayaan ka aragnay markii Ali Abbas Zafar uu warbixintan dadka la wadaagay. Run ahaantii waa arin xushmad daro ah sidoo kalena aan fiicneyn haddiiba xaqiiqo tahay in Mr. India 2 la sameenayo ayadoon aabaheey marnaba la ogeysiinin ama laga talagalinin waayo waa shaqsii astaanta u ahaa Mr. India oo ilaa haatan magacaas isaga loogu yeero!”

“Waa nasiib daro in aabaheey iyo adeer Director Shekhar Kapur oo ah labadii xoogooda iyo maskaxdii ugu badnaa galiyeen Mr. India in maanta xaqiraad cad lagu sameeyay, maanta waxaa cadaatay sharafkii iyo sumcadii jilaayaasha lahaayeen jireen inay u dhamaatay oo wax walbo lacag la dhaafsanayo, waxaan dhihi lahaa ceeb ha idinku dhacdo kooxda Mr. India 2 sameenayaan!”

Sidoo kale Harshvardhan Kapoor oo Anil Kapoor aabo u yahay isagana aad ayuu u careesay in aabihiis sidaas loo galay wuxuuna fanka Hindiya ku tilmaamay waqti xaadirkan inay ka buuxaan kuwo bahalo ah oo lacagta kaliya daneeyaan oo aan aqoonin xushmad iyo shaqada in la isku tixgaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here