Deewana Mastana waa mid kamid ah Filimada Bollywoodka 90-maadkii sameyeen kuwooda ugi shactirada badnaayeen waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Govinda, Anil Kapoor iyo Juhi Chawla halka Salman Khan iyo Raveena Tandon muuqaal marti ku lahaayen.

Mashruucan Big Hit-ka noqday David Dhawan ayaa Director ka ahaa halka Johnny Lever (Amadi), Anupam Kher, Reema Lagoo iyo xidigo kale doorar wacan ku lahaayen waana mid kamid ah aflaamta ugu caansan Bollywood sameyaan abid.

Hadaba warar waxaa soo baxeen sheegayaan in Filimkaan qeyb labaad laga sameeyn doono waliba hogaamiyaasha sidoodi usii hogaamin doonaan balse si rasmi ah looguma dhawaaqan warbixintaan.

Laakiin Anil Kapoor ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa duubista Filimkaan si dhaqsi ku bilaawato waliba John Abraham ayuu la rabaa oo in lagu soo daro John ayaan ku baaqayaa ayuu yiri Superstar-kan xili barnaamih Tv-yada ka baxo uu ka qeyb galaayey.

Sido kale wararka waxay intaas ku dareen Raveena Tandon door wacan ku lahaan doonto qeybtaan maadama kii hore muuqaal marti ku laheed daawadayaasha ayaa si weyn u sugayaan warbixin dhameestiran oo ku saabsan Filimkaan iyo jilayaashiisaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here