Home » Nolosha Jilaayaasha » Anil Kapoor Maxuu U Diiday Inuu Sridevi La Sameeyo Filmkii Chandni Hada Kahor Ogow Sababta!!

Anil Kapoor Maxuu U Diiday Inuu Sridevi La Sameeyo Filmkii Chandni Hada Kahor Ogow Sababta!!

Chandni waa film jaceyl ah oo ay wada jileen Rishi Kapoor, Sridevi iyo Vinod Khanna waxuuna noqday mashruuc guul wacan gaaro Big Hit-na ah waxaana iska lahaayen reer Yash Chopra.

Hadaba filmkaan doorka Rishi Kapoor waxaa markii hore lala rabay Anil Kapoor oo jili lahaa balse wuu iska diiday, sida guud doorka filmka ugu weyn waxaa qaadatay Sridevi caadadeeda ayeena ahed atirishadan inee film walba atooraha ka door weynaato.

Sidaa aawged Anil doorkan wuu iska diiday maadama yahay door atooraha kursiga curyaamiinta ku fariisanaayo ayna daryeeleyso atirishada sababta uu kudiidayna waa kufariisiga kursigaas curyaamiinta lagu fariisiyo.

“Sababta kowaad ee aan kudiiday filmka Chandni ayaa ahed in aan dhibsaday kufariisiga kursiga curyaamiinta iyo doorkeyga filmka maadama aanan ka helin doorkas waxaana doorkas qaatay sidaan wada ognahay Rishi Kapoor.”

“Sababto labaad ayaa ah in aniga iyo mudane Yash (Chopra) wada shaqeentena nasiib isku laheen maadama aan horey ula sameeyay labo film oo kala ah Mashaal iyo Vijay ganacsi wacana ma sameenin filmadaas anigo markii hore ka qawaafsana mashruucan ayaa hadana doorkeyga ila xumaaday sidaas aayana kudiiday sameenta Chandni.”

Anil ayaa sidaa yiri hada kahor isagoo wareysi bixinaayo dhanka kale waxaa tiyaatarada usaaran filmkiisa Fanne Khan oo ay la jilayaan Aishwarya Rai Bachchan iyo Rajkumar Rao waana mashruuc aan laga rajo qabin..