Halyee Anil Kapoor ku dhawaad 40-sano ayuu fanka Hindiya ka tirsan yahay sidoo kalena waa Superstar weyn oo magaciisa daafaha caalamka ku biiray shaqadiisa Bollywood-ka kaliya kuma eko sidoo kalena aflaan kala duwan oo Hollywood ah ayuu sameeyay waana xidig marwalbo soo xuub dhacsado oo aysan da’da karin.

Haddaba 62-jirkan ayaa sheegay inuusan marnaba hilmaami doonin abaalki uu u galay dhaqtarka kooxda Bayern Munich iyo xulka Dr Hans-Wilhelm Muller-Wohlfahrt kaasi oo qaliin dhanka jilibka ah kaga sameeyay labo sano ka hor laguna guuleestay.

Anil Kapoor oo qaliinkiisii dib u xasuusanaayo wuxuu yiri “Marnaba ma hilmaami doono Dr Hans-Wilhelm Muller-Wohlfahrt qaliinkii uu dhanka jilibka iiga sameeyay aad ayaan ugu bogay waayo mudo dheer ayuu xanuunka jilibka i haayay waxaana ka cabsi qabay inaan socodka gabo laakiin hadda waan ordi karaa jimicsi joogto ahna waan sameyn karaa madaama Dr Hans-Wilhelm Muller-Wohlfahrt qaliin heer sare ah gudaha Jarmalka iigu sameeyay.”

Dr Hans-Wilhelm Muller-Wohlfahrt waa 77-jir kaasi oo naadiga caanka ah Bayern Munich dhaqtar u ahaa intii u dhaxeesay 1977 ilaa 2015 kadib kooxda wuu isaga tagay markii ay Guardiola isku dhaceen haddana shaqadiisa dib ayuu ugu soo laabtay November 2017 ilaa iminkana Bayern wuu la shaqeeyaa sidoo kale dhaqtarkan cayaartooy badan oo caan ah qaliimo kala duwan ku sameeyay wuxuu la shaqeeyaa xulka kubada cagta Jarmalka.

Dr Hans-Wilhelm Muller-Wohlfahrt cayaartooyda cayaaraha kala duwan cayaarto ama cayaari jirtay ee uu qaliimo kala duwan u sameeyay waxaa ka mid ahaa Jurgen Klinsman, Ronaldo Da Lima, Jonathan Woodgate, Usian Bolt, Michael Owen, Steven Gerrard, Harry Kewell iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here