Anil Kapoor waa aktar mudan in lagu amaano sida uu ula dagaalamay da’da maadaamka aktarkan uu yahay 63 sano jir balse waxa uu da’ahaan u muuqda 40 sano waxaana intas ku amaanan isaga

aktarkan waxa lagu tilmaama ama lagu yaqaana inuu la fac yahay jiil walba oo Bollywoodka kusoo biira isagoo jili kara door waliba sida hogaamiye , shactiro , laadar iyo doorarka waalidka sidoo klena aktarkan waxa uu dhawaan dhamaystirtay 37 sano uu fanka ka tirsanaa waana waqti aad u badan

Anil kapoor ayaa si weyn kaga faa’ideystay inta lagu guda jiray xayiraadaha dalka india ee cudurka corona isagoona sameenayay jimicsi heer sare kaaso badalay muuqaalkii lagu yaqaanay isagoona lasoo baxay jir dhisan

waxaana arintas ay si weyn usoo jiidatay taageerayaashiisa ku xiran bartiisa instagramka xili uu soo bandhigay sawir isagoo sameenaya jimicsi guri kaaso uu xitaa kasoo hadlay aktarkan ugu jirka dhisan Bollywoodka Hrithil Roshan kaaso aktarkan ku tilmaanay mid aysan xadidi karin da’da sidoo klena si weyn u amaanay jilaagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here