Halyee Anil Kapoor wuxuu siweyn u cabsi galiyay kooxda isugu timid inay u dabaal dagaan guusha uu gaaray filimka Malang oo masraxa la saaray 7 Febraayo 2020 kaasi oo ganacsi wanaagsan sameeyay sidoo kalena daawadayaasha soo dhaweeyeen.

Haddaba Anil Kapoor wuxuu yimid goobta xaflada ka dhaceesay asigoo afka iyo sanka u duuba sidoo kalena muujinaayo inuu ka taxadiraayo cudurka Coronavirus inuu asigoo madaama xanaankan dunida dhibaato xoogan ku haayo sidoo kalena gudaha Hindiya kusii badanaayo laakiin qof walbo oo Anil arkay markii uu goobta yimid wuu cabsaday.

Aditya Roy Kapur iyo Disha Patani ayaa Anil la kaftameen waxayna dhaheen waan isku naxnay markii aan ku aragnay adigoo afka iyo sanka soo xirtay sidee wax u wadaa. Anil oo iyaga ka kaftan badan wuxuu ugu jawaabay “Ma hilmaanteen in dalka Coronavirus soo galay, ilmo yahoow is jiri waa la isku yimid goob walbo oo la tagaayo halaga feejignaado hadaa u baahan tihiin maaskarada afka iyo sanka lagu xirto lacag la’aan ayaan idinku siin karaa kk kk”

Kooxdii goobta u timid dabaal daga guusha filimka Malang dhamaantooda waxaa ku maadeestay Anil Kapoor oo kaftan iyo is xasuusin ugu daray in qatar badan Mumbai ka jirto loona baahan yahay in la taxadiro.

Fadlan hoos kaga bogo sawirada jilaayaasha kasoo qayb galeen xafladii loogu dabaal dagayay guusha filimka Malang uu gaaray:

Anil Kapoor

Disha Patani:

Aditya Roy Kapur:

Amruta Khanvilkar:

Kunal Kemmu:

Shaad Randhawa:

Vatsal Seth iyo xaaskiisa Ishita Dutta:

Director Mohit Suri:

Director Mohit Suri xaaskiisa Udita Goswami:

Kooxda filimka Malang:

Producer Bhushan Kumar:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here