Filimsameye Ali Abbas Zafar markuu ku dhawaaqay inuu sameeyn doono Mr.India sido kalena ay qarash gareyn doonto shirkasa Zee Studios waxaa bilaawatay hadal heyn ku aadan in la gacan dhaafay dadkii mashruucan guusha taariikhiga ah gaarsiiyeen sida Director-ka iyo hogaamiyaha Filimka Anil Kapoor.

Boney Kapoor oo ay walaalo yihiin Anil Kapoor ayaa Mr.India maalgaliye ka ahaa waxuuna xuquuqda Filimka u ogolaaday inee xigtaan shirkada Zee Studios misane uu ka iibsaday balse warae hoose ayaa sheegayaan inuu gacan dhaafay walaalkiis Anil Kapoor waxna la socodsiin.

Wararka la helaayo waxay sheegayaan sida tan,”Boney Kapoor waa qarash gareeyaha Mr.India xaq ayuuna u leeyahay ciduu doono inuu ka iibsan karo xuquuqda Filimkiisa si ay u xigtaan ama wuu u ogolaan karaa mana u baahna inuu hal qof kamid ah shaqaalihii Mr.India ogeysiiyo arinkaa balse walaalkiis Anil Kapoor in la ogeysiin waayey ayuu ka carooday kaliyana atooraha Filimka ma uusan aheyn ee sido kale waxuu ahaa qarash gareeyaha walaalkiis.”

Sonam Kapoor ayaa dood weyn baraha bulshada ka abuurtay waxayna heysatay Ali Abbas Zafar iyo kooxdiisa oo aan lasoo xiriirin aabahed misane waxba ogeysiinin xitaa Director-ka Filimka Shekhar Kapur ayaa dhankiisa ka carooday inaan waxba lala socodsiinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here