Superstar Anil Kapoor waxaa lagu tilmaamaa ma duqoobaha Bollywood-ka madaama da’diisa 60-sano sare u dhaaftay haddana weli tammar badan ayuu hayaa sidoo kalena wuxuu ku caan baxay sameynta doorar kala duwan, la shaqeynta jiil walbo iyo is fahanka kala dhaxeeyo filim sameeyayaasha iyo shirkadaha aflaanta maal galiyaan.

Haddaba Anil Kapoor dhawaan wuxuu ka yaabsaday Abishek Bachchan iyo aabihiis kadib markii uu reer Bachchan ku wargaliyay inay kusoo wareejiyaan ama u sheegaan filimada ay iska diideen isagana uu sameyn doono wuxuuna Anil Kapoor reer Bachchan ugu faanay weli inuu hamigiisa shaqo sareeyo door Abhishek loogu tala galay jili karo iskaba dhaaf door Big Bachchan loogu tala galay!

Anil Kapoor wuxuu yiri “Aniga kama daali shaqadeyda weliba waxaan tusaale cad idinka siin karaa inaan qoyska reer Bachchan ka yaabsaday kadib markii aan Abhishek dhawaan la hadlay kuna dhahay filimada adiga iyo aabahaa iska diideen sameyntooda ii soo gudbiya anigaa la xariirayo filim soo saarayaasha iska leh oo u jilaayo.”

Abhishek Bachchan shaki ayaa galay wuxuuna Anil Kapoor ugu jawaab celiyay “Adeer waan gartay ama aan ogahay doorarka aabe iska diiday inaad sameyn kartid laakiin door aan aniga iska diiday oo weliba i dhali kartid sidee u matali kartaa?”

Anil Kapoor wuxuu Abhishek ugu jawaabay asigoo yara qoslaayo “Waa sirta ka dambeyso inaan 40-sano Bollywood-ka ku jiro, aniga ma fiiriyo doorka da’da ku xadidan ee kaliya waxaan fiiriyaa doorka aad qaadaneysid ma leeyahay saameyn inta kale anigaa dhameestirto waxaan awoodaa da’ walbo shaashada inaan ku matalo madaama qibradaas iyo dadaalkeeda aan leeyahay.”

Dhinaca shaqada Anil Kapoor wuxuu duubis ku bilaabi doonaa marka xaalada caadi kusoo laabato filimka weyn ee taariikhiga ah Takht waxaana Director ka ah Karan Johar halka Ranveer Singh, Kareena Kapoor Khan, Vicky Kaushal, Alia Bhatt, Bhumi Pednekar iyo Jhanvi Kapoor wax ka jilayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here