Xidigii Bollywood-ka iyo Hollywood-ka ka dhaxeeyay Irrfan Khan wuxuu geeriyooday 29-kii April 2020 asigoo mudo labo sano ah xanuunka kansarka haayay ilaa iminkana siweyn ayaa loo hadal hayaa geeridii Irrfan ku timid oo ahaa halyee siweyn loo jeclaa qof walbo fanka Hindiya ka tirsanaa ka murugooday geeridiisa.

Hadaba Superstar Anil Kapoor ayaa baraha bulshada ku muujiyay sida uu saaxiibkiis Irrfan Khan ugu xiisay asigoo soo qaatay sawir hore xiligii ay isla sameeyeen filimkii caalamiga ahaa Slumdog Millionaire waana xili ay filimkan isla xayeysiinayeen ka hor inta aan masraxa la saarin.

Anil Kapoor sawirkan wuxuu soo raacsiiyay qoraalkan “Sawirada noocaan ah xasuuso badan ayay dib usoo celiyaan! Dhoola caddeynta sawirka idinka muuqato waa wax weyn waayo qof walbo ayuu Irrfan ka qoslin jiray. Waxa ugu badan ee Irrfan ku xasuusan doono ayaa ah sida uu u dhoola caddeyn jiray una qalbi wanaagsanaa.”

Marka laga soo tago filimka Slumdog Millionaire Anil Kapoor iyo Irrfan Khan sidoo kale waxay isla sameeyeen filimkii Chocolate ee sanadii 2005 la daawaday waxaana filimkaas kula jireen Suniel Shetty, Arshad Warsi, Emraan Hashmi iyo jilaayaal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here