Madaalaha weyn ee Bollywoodka Superstar Anil Kaooor ayaa hada kahor weerar aan gambasho leheen ku qaaday atoorayaasha magac doonka ahaayen xiligaas Akshay Kumar iyo Suniel Shetty sanadkana waxuu ahaa 1994.

Sida guud fanka awood kuma leheen Akshay iyo Suniel wixii 1994 ka horeeyay balse sanadkaan Bollywood wey ka yaabsadeen maadama hal sano aflaam badan oo Big Hits ah ku sameyeen waxaana ugu weynaa filimkooda Mohra oo Blockbuster weyn ahaa xiligaas.

Anil oo Superstar weyn awoodna leh ahaa xiligaas ayaa saxaafada wax ka weydiisay mashruuca Mohra ee noqday filimka sanadka waxuu yiri Anil oo hadlaayo,”Mohra waxaa iski baheysataya oo isugu tagtay labo nin oo aroorayaal dhameystiran ahen (Half-actors).”

When Anil Kapoor called Akshay Kumar and Suniel Shetty half-heroes!

“Marka waxaan dhihi karnaa atoore ayaa gaday Mohra ee atoorayaal ma gaddin ileen labo nin oo Half Actors ah hadee midowaan hal atoore ayee kadhigantahay inuu Mohra sameeyay.”

Hadalkaan aad ayee u dhibsanee Action Heroes Akki iyo Suniel weyna usoo jawaaben waxayna dhaheen,”fadlan halmar daawada Mr.India waxqabadka Anil Kapoor oodhan waa Zero filimkana waxuu ka yahay Atoore Eber ah (Zero-Hero) maadama uusan muuqan inta badan waxaana filimkaas gaday Mogambo (Amrish Puri).”

Doorka Anil ee filimka Mr.India waa door atooraha muuqanen oo la arkeynin (Invisible Actor) waxaana shaashada kaga badan laadarka filimka Amrish Puri oo doorka Mogambo ku jilaayo.

Marka Akshay iyo Suniel waxay dhaheen hadii anaga aan nahay atoorahaal qabyo ah (Half Actors) isagana waa atoore eber ah (Zero-Hero) marka is bar bardhiga ayee dhaheen midkee la qaatay atoore eber ah iyo atoore haaf ah.

Dagaalkan ka dhaxeeyay xidigahan wuu suu idlaaday bilawgii qarnigaan oo wada shaqeyn ayaaba dhexmartay Anil waxuu Akki la sameeyay Bewafa iyo Welcome halka Suniel Shettu uu la sameeyay Chocolate.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here