Atiriishada Ankita Lokhande waxaa la weydiiyay atiriishada ay Bollywood u dooran laheed boqorada Jhansi waxayn tiri iyadoo Rekha dooraneysa maqaamkaasna siisay,”aniga ahaan waxaan dooran lahaa marwo Rekha.”

“Rekha waa Bollywood Jhansi Ki Rani waa qof lagu daydo waxay inoo sheegeysaa in da’da tiro kaliya tahay lagumana gaaro style iyo Fashion waana qof mug weyn oo maqaam kuleh fanka hindiya.”

Xidigtaan waxay dhanka Bollywoodka kaga soo caan baxday Filimka Manikarnika ee Kangana Ranaut hogaamiyaha ka ahed waxuuna noqday mashruuc guul taariikhi ah gaaray aadna loo wada ammaanay jilaa walbo kasoo muuqday iyo sida doorkiisa kaga baxsaday.

Manikarnika waxaa looga hadlaayey nolosha boqoradii ka talin jirtay qasriga Jhansi dhalashada Mahatma Gandhi kahor waxaana boqoradaas la dhihi jiray Laxmi Bai wixii markaas ka dambeyay Ankita waxay noqotay mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ugu caansan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here