hadad maqashay hibada iyo jiliada waa mid dhaxal-tooye ah fadlan bal eega Saif Ali Khan iyo Amrita Singh gabadhooda atariishada Sara Ali Khan hab jiliinkeeda

Sara ayaa sanadkii hore soo gashay Bollywoodka iyadoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo Kadernath kaaso si weyn lagu amaanay hab jiliinkeeda ay shaashada ku hor muujisay

ka dib atariishadan waxa durba la timaaday Blockbusterkayda ugu horeeyay weliba filimkeeda Simbba kaaso hogaamiye ka ahaa aktarka Ranveer Sing atariishadan ayaa durba noqotay mid ka wada jecel yahay

Sara marnaba ma muujiso inay tahay shaqsi caan ah maadaama dhawr jeer aan aragnay iyadoo waqti la qaadanaysa taageeraheeda weliba iyadoo si lama filaan ah ku booqnaysa goobaha bulshada isugu timaado gaar ahaan tiyaatarada iyo maqaaxiyaha

laakiin atariishadan ayaa dhawaan waxa si xun ugu careesiiyay mid ka mid ah taageeraheeda kaaso ay fulinaysay codsigiisa aha inay sawir la gasho xili ay ku sugnayd Airport magaalada Mumbai iyadoona ka timid dalka mareekanka

taageerahan ayaa si qaldan ugu faa’ideystay wanaaga atariishada Sara isagoona dhawr jeer gacamihiisa saaraayay jirkeeda waxaana durba  atariishadan ka carootay falka uu ku kacay iyadoona si dhakhsi leh kaga dhakaajisay arrintan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal-hayo baraha bulshada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here