Antonio Conte oo afka furtay kana hadlay farqiga u dhaxeeyso asiga iyo Klopp iyo Pep.

0
814

Macalinka kooxda Inter Milan horayna usoo leyliyay kooxana Juventus iyo Chelsea ayaa si adag ugu hadlay isbarbardhiga lagu sameeyo asoga Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola.

Antonio Conte oo haatan ku sugan kooxda Inter Milan isla markaasna siweyn wax uga badalay sidoo kalana tartan adag oo dhanka Horyaalka kula jira kooxda Juventus ayaa yiri;

“Sanadkeygii koowaad ee Horyaalka England waxaan ku guuleystay EPL halka sanadkeygii labaadna aan ku guuleystay tartanka Emirates FA Cup”.

Conte oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “Jurgen Klopp wax tartan maxli ah kuma guuleysan mudo 4 sano sidoo kale Pep Guardiola sanadkiisio koowaad asigana wax tartan ah kuma guuleysan”.

Hadalka Conte ayaa kusoo aadayo ayadoo Liverpool qarma u saarantahay ku guuleysiga Horyaalka England markoodii ugu horeysay mudo 29 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here