Antonio Conte oo fariin u diray Ole sheegayna in Lukaku gooldhalinta kula tartamo Ronaldo Sanchezna ka caawin doonaa inuu heerkiisa kusoo laabto.

0
373

Macalinka kooxda kubadda cagta ee Inter Milan Antonio Conte ayaa carabka ku dhuftay inuu diyaar garow ugu jiro sidii uu Alexis Sanchez uga caawin lahaa inuu kusoo celiyo heerkiisii lagu yaqaanay wuxuuna sheegay inuu xiiso u qabo la shaqeynta weeraryahanka reer Chile kaasoo mud hal sano amah ah kooxda kula joogo.

Conte ayaa yiri; “Asiga (Sanchez) waa laacib heer sare wuxuuna horay koobab kula soo guuleystay kooxda Barcelona iyo inuu United u ciyaaray”

Conte ayaa intaas ku daray; “Sanchez waa laacib xoogan xawaare sare sidoo kalana dagaalyahan ah waxaa nagu qasab ah inaan usoo celino kalsoonidii uu Englan ku waayay, qiimihiisa waa lawada ogyahay shaki la’aan, waxaana rajeyneynaa inaan dib u aragno Sanchezkii aan naqaanay”

Dhanka kale Antonio Conte ayaa ka hadlay arinka Lukaku asigoona amaan ugu qubeeyay sheegayna inuu awoodo in gooldhalinta horyaalka kula tartamo Ronaldo.

Conte ayaa yiri; “Lukaku wuxuu noogu fadhiyaa qiimo sare, wuxuuna markasta ka fakaraa kooxda, wuxuu awoodaa inuu Ronaldo kula tartamo abaal marinta gooldhalinta”.

Lukaku iyo Sanchez ayaa Inter kaga soo biiray xagaagan kooxda Manchester United kadib markii macalinka kooxdaasi u sheegay inaan looga baahneyn halkaas balse Conte ayaa Ole dareensiiyay qiimaha ay xidigahani leeyihiin una sheegay in Ronaldo la tartami doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here