Anupam kher oo dowlada Hoose Hindia cambaareeyay iyo kiiska Kangana Renut oo dagaal baraha bulshada ah abuuray!!

1
1337

Kadib Dia Mirza, Kubbra Sait, iyo kuwa kale, Anupam Kher ayaa bartiisa Twitterka ku cambaareeyay burburka ay kwadaan maamulka degmada Brihanmumbai xafiiska Kangana Ranaut ee Manikarnika Films magaalada Mumbai. Isaga oo ugu yeeray “bullydozer oo ula jeedo kooxda burburinta…. tallaabo qaldan ayee qaadaayaan” wuxuuna qoray in ay saameyn ku yeelan doonto dadka reer Mumbai

Kangana Ranaut waxay lawadaagtay fiidiyowyo gudaha ah oo soo bandhigaya goobaha duminta ay ladamacsanyihiin hay.ada BMC, Dhanka kale, Kangana ayaa sidoo kale barteeda Twitter-ka soo dhigtay markee ay Mumbai gaartay waxayna la wadaagtay muuqaalo ku saabsan shaqada burburinta xafiiskeeda lagusoo oogay. Waxay sidoo kale u jawaabtay Wasiirka Maharashtra Uddhav Thackeray waxayna uga digtay “sida uu u dumiyay gurigeeda,

Kangana Ranaut ayaa dib u weerartay Wasiirka Maharashtra Uddhav Thackeray: Hankaaga waa burburin doonaa, Maxkamadda Sare ee Mumbay waxay amartay inay sii wataan howshooda hey.ada BMC ee xafiiska Kangana ..ka dib markii ay gudbisay codsi ka dhan ah shaqada BMC ee kuburburineeso xafiiskeeda kaasoo lagu eedeeyay in dhismo sharci daro ah lagawado. Waqtigaan , saraakiisha Hay.ad BMC ayaa howlahoodii duminta u dhigtay dib.

Kangana ayaa taageera badan kaheshay baraha bulshada xili ee taageero umuujiyeen dad badan oo caan ah

1 COMMENT

  1. Kangana waxa ku dhacay waa wax xoga laga yara xumaado u muuqdana in laga bad badshay xukamada siwalba hanoqoto waxwalba oo sharciga qabo waa in loo hogaamsama taasa ah muhiimada marwaliba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here