Corona Virus ayaa India si weyn ugu faafay maalmihii lasoo dhaafay waana qasab in India laga helo sababto ah China ayee daris yihiin oo ah dalkii ugu horeeyay laga helay cudurkaan hadaba jilayaasha Bollywoodka ayaa heeggan kujiraan ayagaoo si weyn isaga ilaaliyaan inuu Virus-kan haleelo difaac culus ayeena galeen.

In ka badan 50 kiis oo cuddurkaan ah ayaa la helay waxuuna saameeyn ku noqday ganacsiga dadka iyo is dhexgalka waxaa dib udhac ku imaanaya daawashada aflaamta sido kale dadka waxaa loogu baaqay inee joojiyaan shumiska salaamta iyo gacan qaadka.

Micnaha sida dhaqanka hinduuga ahen dadka qaar waxay isku salaamaan inee gacmaha isgaliyaa halka kuwa kalena shumis ama dhunkasho is dhaafsadaan sida reer galbeedka oo kale hadaba dad badan oo hindu ah misane caan ah ayaa bulshada kula taliyeen in dhaqankii hore loo laabto oo qofoa dusha sare Namaste laga dhaho.

Anupam Kher ayaa dadkii talladaas bixiyeen kamid ah muuqaal ayuu baraha bulshada soo dhigay isagoo gacmihiisa isku dhajiyay salaamtii hindugana bixinaayo waxuuna dhahay “qaabkan ayaa kamid ah waddooyinka Corona Virus looga hortago qofka intaa gacamta galin laheed dusha sare Namaste kadheh” ayuu yiri jilaagan.

Anupam ayaa shalah 65 jir noqday 7 Maarso 1955 ayuu dhashtay 40 sano kabadan ayuuna fanka hindiya ku guda jiraa doorar kala duwan ayuu sameeyay mar laadar ayuu noqday mar aabe, mae shactiroole inta badana doorarkiisa shactirada ayaa lagu xasuusan doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here