Atiriishada caanka ah Anushka Sharma ayaa shaashadaha laga waayey sida Shah Rukh Khan oo kale mudo sanad ah Filimkeedii ugu dambeyayna waxuu ahaa Zero oo 2018 la daawaday kaaso guul daro taariikhi ah la kulmay wixii markaas ka dambeyeena weyba ka mashquushay Bollywoodka.

Xidigtaan Filimada ay SRK la sameeysay dhowaanahan guulo ma gaarin sida Zero, Jab Harry Met Sejal iyo kuwa kale ay atoorayaal kale la sameeysayva culeys dhanka Box-office-ka ah ayaa saaran Anushka waxayna u baahantahay Filim Big Hit u noqda.

Sultan ayaa ugu dambeyay filim Big Blockbuster u noqda horeyna waxay u sameeysay aflaam Classic ah sida Rabne Bana Di Jodi, PK iyo kuwa kale oo xidigtaan ku faanto. Hadaba warar ayaa sheegayaan in Anushka dooratay sameeynta Filim Jaceyl ah markale qorshaheeda hader waa inee sameysaa Filim jaceyl ah mana jiro Filim lagu dhawaaqay.

Shaqaalaheeda ayaa laga soo xigtay in xidigtaan saxiixan doonto Filim jaceyl ah hadii Filimsameye ula yimaado sheeko qancisa inkastoo mudooyinkan dambe sheeko khaldan ay dooraneysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here