Mudo sanado badan waxaa la arkayaa ama la arki jirayba atiriishooyin Bollywood caan ah oo lasoo shaqeyeen shaashadana jaceyl kula wadaageen atoorayaal koonfur India caan ka ah kasoo bilaaw Priyanka Chopra oo Ram Charan la sameeysay Filimka Zanjeer waxaa kaloo kamid ah Katrina Kaif oo Vengatesh la sameeysay Maliswari bilawgii qarnigaan.

Xisaab maleh atiriishooyinka horey ula shaqeyeen atoorayaal koonfur India Superstars ka ah halka aan kuwa kalena arki doono sida Alia Bhatt oo Ram Charan kala shaashada ku shukaansan doonto Filim uu SS Rajamouli Director ka yahay.

Waxaan idiin heynaa liid dhameestiran oo aan kaga hadleyso atiriishooyinka Bollywoodka jeclaan lahaayen inee shaashada jaceyl kula wadaagaan atoorayaal koonfur hoos kaga bogo qeybta labaad…

Alia Bhatt iyo Naga Chaitanya: iyadoo xayeysiin u sameyneysa Filimka Raazi ayaa la weydiiyay Alia Bhatt hadii uu jiro atoore Koonfur India ah oo ay waqtigaan jeclaan laheed inee shaashada kala soo muuqato waxayna tiri Naga Chaitanya.

Alia Bhatt and Naga Chaitanya

Sonam Kapoor iyo Suriya: xili hore ayee bilawday Sonam inee shaashada la wadaagto atoorayaasha koonfur waxayna lasoo shaqeysay Dhanush iyo Dulquer Salmaan balse waxay aad u jeclaan laheed Superstar Suriya inee shaashada la wadaagto mar uun.

Sonam K Ahuja and Suriya

Katrina Kaif iyo Prabhas: xidigaan Baahubali dadka isku jecleysiiyay waxaa is gaad gaad ugu jirto Katrina Kaif inee la shaqeyso walo uu Shraddha Kapoor Saaho la sameeyay.

Katrina Kaif and Prabhas

Kiara Advani iyo Vijay Deverakonda: xidigtaan Ram Charan iyo Mahesh Babu ayee lasoo shaqeysay balse wali riyadeeda ah inee shaashada la wadaagto Vijay Deverakonda uma rumoowin weysa rajeyneysaa midaas.

Kiara Advani and Vijay Deverakonda

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here