Mudo sanado badan waxaa la arkayaa ama la arki jirayba atiriishooyin Bollywood caan ah oo lasoo shaqeyeen shaashadana jaceyl kula wadaageen atoorayaal koonfur India caan ka ah kasoo bilaaw Priyanka Chopra oo Ram Charan la sameeysay Filimka Zanjeer waxaa kaloo kamid ah Katrina Kaif oo Vengatesh la sameeysay Maliswari bilawgii qarnigaan.

Xisaab maleh atiriishooyinka horey ula shaqeyeen atoorayaal koonfur India Superstars ka ah halka aan kuwa kalena arki doono sida Alia Bhatt oo Ram Charan kala shaashada ku shukaansan doonto Filim uu SS Rajamouli Director ka yahay.

Waxaan idiin heynaa liid dhameestiran oo aan kaga hadleyso atiriishooyinka Bollywoodka jeclaan lahaayen inee shaashada jaceyl kula wadaagaan atoorayaal koonfur hoos kaga bogo qeybta kowaad…

Janhvi Kapoor iyo Vijay Deverakonda: Atiriishada Janhvi Kapoor ayaa shaaca ka qaaday hada kahor in Vijay yahay atooraha ugu shidan koonfur ayna jeclaan laheed shaashada inee kala soo muuqato oo ay Filim jaceyl la sameeyso Karan Johar oo suaashaas weydiiyay ayeena sidaa u sheegtay.

Janhvi Kapoor and Vijay Deverakonda

Sara Ali Khan iyo Dulqer Salmaan: Hadii Bollywoodka ay ka hesho Kartik Aryan wiilasha dhalinta ah marka laga hadlo sido kalena koonfurta waxay ka xiiseysaa Superstar Dulquer Salmaan oo ay jeceshahay inee Filim la sameeyso.

Sara Ali Khan and Dulquer Salmaan

Anushka Sharma iyo Mahesh Babu: Suldaanka atiriishooyin Bollywood ah ayuu horey ula soo shaqeeyay sida Preity Zinta, Kriti Sanon, Bipasha Basu iyo Illeana D’Cruz sido kale Anushka Sharma taageerayaashiisa ayee kamid tahay hada kahor ayeena fagaaraha ka sheegtay hadee koonfur atoorayaashooda la shaqeyneyso uu Mahesh noqon doono.

Anushka Sharma and Mahesh Babu

Deepika Padukone iyo Rana Daggubati: laadarka Filimka Baahubali waa atoore caan ah aflaam Bollywood ahna kasoo muuqday hada kahor Deepika waxaa la weydiiyay hadii Kaaba laadarka Baahubali shaashads jaceyl kula jili doonto waxayna sheegtay inee xiiseyso ayna rabi laheed fursadaas inee soo marto.

Deepika Padukone and Rana Daggubati

Lasoco Qeybta Labaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here