Waxaa xalay la qabtay xaflada sanadadan dambe cusub ee la magac baxday Vogue Women of The Year Award waxaad moodaa magaca xaflada in loogu talo galah kaliya haweenka balse Ragga xitaa waa kasoo qeyb galayaan abaal marina waa la gudoonsiiyaa.

Xalay ayaa la qabtay markii seddexaad ama sanadkii seddexaad xiriir ah waxaana kasoo qeyb galeen dhalinyarada Bollywoodka qaar kamid ah maadama xafladan cusub tahay Bollywoodka badankooda ma aysan imaanin.

Dadkii goobta joogeen waxaa kamid ah Ranveer Singh, Anushka Sharma, Janhvi Kapoor, Ananya Panday, Alia Bhatt, Zoya Akhtar iyo kuwa kale oo badan kuwaaso goobta wacdaro ka dhigeen Fashion heer sare ahna kusoo bandhigeen.

Shaqsiyaad aan Bollywoodka katirsaneen ayaa xitaa goobta lagu abaal mariyay balse anaha waxaan soo qaadanay xidigaha Bollywoodka ee abaal marinada ku guuleysteen hoos kaga bogo:

Ranver Singh: Abaal marinta ninka sanadka.

Alia Bhatt: Abaal marinta atiriishads ugu bandhiga wanaagsan sanadka.

Anushka Sharma:Abaal marinta Atiriishada ugu Style-ka wanaagsan sanadkan.

Zoya Akhtar: Filimsameysada ugu wanaagsan sanadka.

Katrina Kaif:Atiriishada qatarta halista ah u bareertay tii ugu wanaagsaned.

Ananya Panday: Atiriishooyinka magac doonka ah mida ugu saameynta badan sanadka.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here