Kriti Kharbanda waa mid kamid ah atiriishooyinka dhex dhexaadka ah ee Bollywoodka ka shaqeyaan waqtigaan maadama awoodeda sare ahen aysana la tartami karin Alia Bhatt, Deepika, Shraddha iyo kuwa kale.

Xidigtaan ayaa maanta u dabaal dageysay sanad guuradeeda dhalasho waxayna dhalatay maanta oo kale 29 October 1988 waxayna si rasmi ah u jirsatay 31 sano cimri ah maanta waa atiriisho aflaam dhowr ah kasoo muuqatay.

Sido kale waa atiriisho kasoo shaqeysay koonfur India oo sameeysay Filimo badan Filimka Raaz-Robot ee Bollywoodka ah ayee xidigtaan aqoonsi ku heshay waxaana hader tiyaatarada u saaran mashruuca xiisaha leh ee Houseful 4.

Houseful 4 waxaa la jilayaan xidigo badan sida Akshay Kumar, Bobby Deol, Riteish Deshmukh, Kriti Sanon iyo Pooja Hegde iyo waliba kuwa kale oo badan.

Hadaba munaasabada dhalasho xidigtaan aawged waxaa laga soo bandhigay sawiro ugaar ah oo xiliyo kala duwan ah balse u badan xili ay yareed waana yaraanteeda bal hoos ka daawo Kriti Kharbanda oo yar….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here