Director Sanjay Leela Bhansali ma ahan qof is dhiibo haddii Salman Khan uu filimkiisa Inshallah isaga baxay ma noqon doono mid meel la iska dhigo waxaana haatan la sheegay in Hrithik Roshan la wareegi doono masuuliyada mashruucan si uusan u noqonin filimkan mid la iska hilmaamo oo meel la iska dhigo.

Salman Khan waxaa la sheegay inuu filimkan isaga baxay kadib markii talooyinkii uu soo jeediyay Director Bhansali ka qaadan waayay oo ah qaabka uu ku dhamaanayo mashruucan wax laga badalo waana arin la wada og yahay in Director Bhansali cidna ka aqbaleyn sheeko uu diyaarsaday wax laga badalo sidaa darteed wararka la isku haleen karo waxay sheegayaan in filimka Inshallah sheekadiisa haatan Hrithik Roshan loo bandhigay kana helay qaabka fariinta loo dhigay sidoo kalena Alia Bhatt filimkan kama aysan bixin oo iyada ayaa atirisho kowaad ka noqon doonto.

Shabakada Mumbai Mirror ayaa qortay in Hrithik uu xushmad weyn u haayo filim sameeye Bhansali wuxuuna ka codsaday waqti yar inuu siiyo jawaab celinta sameynta Inshallah inkastoo Hrithik sheekada filimkan qaabka loo dhigay uu ka helay waxayna u badan tahay inuu aqbali doono hogaaminta mashruucan weyn.

Hrithik iyo Bhansali waxay horey u wada sameeyeen filimkii sheekadiisa la wada amaanay balse ganacsi ahaan guul dareestay Guzaarish (2010) markaana waxay diyaar u yihiin inay dib u wada shaqeeyaan ku dhawaad mudo 10-sano kadib waana arin xiiso badan in Hrithik u aqbalo sameynta filimka Inshallah oo dhawaan Salman Khan isaga baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here