Mouni Roy iyo Surbhi Jyoti kadib waxaa taxanaha Naagin 4 kusoo biirtay atiriishada caanka ah Nia Sharma oo Aarohi ku caan baxday waxayna markaan jili doontaa doorka atiriisho mas ah iyadoo hogaamin doonto Naagin 4.

Taxanaha Naagin oo qeybtiisa kowaad 2015 soo bilaawday waa midka ugu guulaha badan Tv-yada waqtigaan qeyb labaad iyo mid seddexaad ayaana laga sameeyay jilayaasha qeybahana waxaa kamid ahayen Mouni Roy, Arjun Bijlani, Adaa Khan, Surbhi Jyoti iyo kuwa kale.

Ekta Kapoor announces Nia Sharma's entry in Naagin 4 on social media, welcomes her to the world of Naagins

Hadaba Ekta Kapoor oo musalsalka qarash gareyso ayaa sheegtay in Naagin 4 ay hogaamin doonto Nia Sharma sheekadana halkeeda kasii socon doonto dhowaan ayaana xayeysiin ama goos goos yar laga soo bandhigay in Naagin 4 2 gabdho mas ah kasoo muuqan doonaan.

Ekta ayaa baraha bulshada ku shaacisay in Naagin 4 Nia Sharma hogaamin doonto weyna kusoo dhaweysay taxanahan maskanah waxay soo qortay sida tan,”kusoo dhowoow Nia Sharma dunida masaska (taxanaha Naagin).”

“Markaan waa Naagin-Bhagya Ka Zehreela waliba sheeko xiiso leh oo cusub ayee daawadayaasha kaga bogan doonaan dabcan Nia howsha asd hogaamin doonto ma ahan mid sahlan soo dhowow.”

Waxaa la filaa in goordhow bilaawdo taxanahan sida weyn loo wada sugaayo dhanka kale Nia Sharma waxa wali Tv-yada laga daawada musalsalkeeda Jamai 2.0 sido kale Ishq Mein Marjawan bartamihii sanadkaan ayee howshiisa soo afjartay daawadayaasha hader waxay sugi la’yihiin Nia oo mas ah inee arkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here