Superstar Vijay waxaa sanadkaan u diyaarsan Filimkiisa hadal heynta weyn xambaarsan ee Master kaaso la daawan doono 9 April 2020 waana mashruucii 64-aad Vijay sameeyo xidigaan ayaana hader Tamil awood ku heysta.

Master labada aragti laga soo bandhigay si weyn ayaa loo soo dhaweeyay sido kale heeska kowaad ee laga soo bandhigay iskoor ayee dhigtay dhanka Youtube-ka waxay noqotaya heeskii kowaad koonfur India ah misane 24-saac gudahood ku daawadeen 9 Million qof.

Waxaa Like saartay heeskan mudadaas 1 Million qof waana iskoor weyn tani waxay cadeyn u tahay sida Filimkaan loo sugaayo iyo shacbiyada balaaran ee Vijay xiligaan ku raaxeysanaayo, mudo 4-maalmood ah heeska Kutti Story waxaa ku daawatay 22 Million qof baraha bulshadana wey qabsatay.

Hadaba Director-ka Filimkaan Lokesh Kanagaraj ayaa ka helay xirfada Vijay iyo awooda uu leeyahay waxuuna go’aansaday inuu la saxiixdo Filimkale sido kale waxaa la sheegay in isaga iyo Vijay wada hadleen kaliyana inuu Vijay saxiixo Filimkaan dhimantahay.

tani waxay ka dhigantahay Filimkiisa 65-aad inuu wadada kusoo jiro waxaana macquul ah dhamaadka sanadkaan in la daawado Filimkaan wali aan shaaca laga qaadin ileen koonfurta Filimadooda duubis ahaan waqti badan ma qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here