Filimsameyaha caanka ah Rohit Shetty ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu la imaan doono taxanaha Singham qeybtiisa seddexaad waxuuna arinkaan shaaca ka qaaday dhowaan isagoo wareysi bixinaayo.

Shetty ayaa sida tan yiri,”Filimkeyga xiga ee ka hadkaayo nolosha askarinimada waxuu noqo doonaa Singham 3 oo Ajay Devgn hogaamiye ka noqon doono sababto ah waa xiligii taxanaha Singham lasii dhaqaajin lahaa daawadayaashana siweyn ayee usugaayeen.”

Rohit taxanahan qeybtiisa kowaad 2011 ayuu la yimid waana dib u sameynta Filimka Tamilka ee Singham kadib daawadayaasha ayaa ka heleen 3-sano kadib ayuuna Singham Returns la yimid isla Ajay ayaana hogaamiyay balse atiriishooyinka ayuu kala bedelay oo booskii Kajal Aggarwal waxaa lagu bedelay Kareena Kapoor Khan.

Markale 2018 waxuu la yimid Simmba oo isagana ah filim askari ka hadlaayo Ranver Singh ayaana hogaamiyey Ajay Devgn na muuqaal martu ayuu kulahaa hadana 25 bisha Maarso waxuu la imaan doonaa Sooryavanshi oo ah Filim askarnimada ka hadlaayo iyi nolosha Policeka Akshay kumar ayaana hogaaminaayo marka Shetty mashaariicda noocaan ah laguma gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here