Shanaya Kapoor waa gabar qaan gaar ah oo 20 sano sanadkaan jirsaneyso waxaana aabo u ah Rugcadaa Sanjay Kapoor oo atoore Bollywood hore ahaan jiray kaaso la dhashtay Anil Kapoor iyo Boney Kapoor.

Haddii sanadkii hore Bollywoodka soo galeen Janhvi Kapoor, Sara Ali Khan iyo kuwa kale sido kale sanadka dambe ama midkiisa kale waxaa la sugayaa Khushi Kapoor (Sridevi gabadheeda), Shanaya Kapoor (Sanjay Kapoor gabadhiisa) iyo Suhana Khan (SRK gabadhiisa).

Isku jiil ayee noqon doonaan seddexdaan gabdho balse ilaa hada lama humo Khushi iyo Suhana inee imaan doonaan oo hader waxbarasho ayee ku mashquulsanyihiin laakiin waxaa diyaar ah Shanaya Kapoor.

Aabahed Sanjay Kapoor ayaa dhowr maalmood kahor la weydiiyay hadii gabadhiisa Shanaya Bollywoodka imaan doonto waxuuna yiri isagoo ka jawaabaya dadkana aqbaar wanaagsan siinaya.

“Haa wey imaan doontaa hader is diyaarin ayee kujirtaa balse wali ma aysan dooran Filimkee kusoo caan bixi laheed fursado badana wey horyaalaan laakiin xulashada sheeko wanaagsan ayee ku mashquulsantahay anagana marwalba garabkeeda ayaa joognaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here