Xidiga laga daba dhacay Jayam Ravi filimkiisii ugu dambeeyay Comali ee Tamil-ka ama Kollywood-ka ahaa wuxuu noqday Blockbuster weyn waxaana la jileesay Kajal Aggarwal haatana wuxuu bilaabay inuu ka hawl galo mashruuciisa xiga oo xiiso weyn loo qabo.

Hadaba Jayam Ravi filimkiisa xiga hadal heyntiisa cirka ayay gashay kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu laadar awood badan ku matalaayo ruug cadaa Nana Patekar oo Bollywood-ka maqaam sare ka gaaray balse dhawaanahan saaxada ka maqnaa madaama kiis tacadi ama xad gudub inuu u geestay atirishadii Tanushree Dutta.

Haddaba Jayam Ravi filimkiisa 25-aad oo loo bixiyay magaca Jana Gana Mana ayaa lagu soo daray Nana Patekar oo duubista soo xaadiday sidoo kalena Nana wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka magaalada Chennai ee Tamil-ka xarun u ah iyo la shaqeynta Jayam Ravi.

Filimka Jana Gana Mana waxaa sidoo kale doorar muhiim ah ku leh Taapsee Pannu, Elnaaz Norouzi, Ram, Rahman, MS Bhaskar, iyo Dayana Erappa waxaana la daawan doonaa xagaaga dambe 2020 ayadoo luqadaha Tamil, Hindi, Telugu iyo Kannada lagu daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here