Filimsameye Rohit Shetty ayaa qorsheeynaya inuu sii amba qaado taxanihiisa Golmaal qeybtiisa 5-aad waxuuna howshiisa bilaawi doonaa marka uu dhameeyo Filimka hada uu duubista kuwado ee Sooryavanshi.

Golmaal 4 waxuu ahaa Filim cabsi iyo shactiro isku dhex jirta ah sidaa aawged Rohit iyo kooxdiisa waxay diyaariyeen sheeko ka fiican midkii hore waxaana la sheegay sanadka cusub bilawgiisa in duubis lagu bilaawi doono Golmaal 5.

Ilaa hada lama shaacin waqtiga rasmiga ah ama bisha rasmiga ah howsha bilaawaneyso balse waxaa la hubaa bilawga 2020 Golmaal 5 howshiisa inee bilaawaneyso.

Rohit sanadkio hore dhamaadkiisa Simmba ayuu la yimid oo sheeko askari ah markale waxuu ku xijinayaa sheeko askarin ah waana Sooryavanshi balse markaan dhanka shactirada ayuu u jeestan oo Sooryavanshi kadib waxuu kuxijin doonaa Golmaal 5 oo taxane caan ah sido kalena shactiro ah.

Sooryavanshi waxaq hogaamiye ka ah Akshay Kumar halka Katrina Kaif atiriisho katahay waxaana Director ka ah Rohit Shetty ugu dambeyna Karan Johar waa qarash gareeyaha Filimkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here