Aragtiyo kala nooc ah ayaa maanta laga soo bandhigay Filimka Good Newwz oo kamid ah Filimada sanadka ugu waaweyn hadana uu Director ka yahay Raj Mehta dhamaadka sanadkaan 2019 ayaana la daawan doonaa.

Filimkaan sanado kadib waxuu shaashada ku mideeyay xidigaha kala ah Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor Khan Gabbar Singh ayaana ugu dambeyay Filim ay shaashada ku wadaagaan walibe Bebo muuqaal marti kaliya ayee ku leheed Filimkaas.

Seddex kaarto kala duwan ayaa laga soo bandhigay Akshay Kumar ayaana baraha bulshada kusoo bandhigay sida Twitter-ka iyo Facebook-ga aragtida kowaad waa Akki oo dhexda kaga jiro uurka Kareena iyo mida Kiara.

Kaartada labaad Diljit Dosanj ayaa kasoo muuqanaayo halka mida seddexaad 4-tooda aad ku arkeyso waxuuna Akki sheegay in sanadkaan daawadayaasha ku raaxeysan doonaan qosol badan in loo wada dhanyahay aragtidaas ayuuna sii sharaxay.

Sida wararka sheegen Akki Filimka waxuu kujilaa nin xarago badan oo hantiile ah kaaso guursanaayo gabadha quruxda badan Kareena balse lamaanahan waxay ku dhiban yihiin inee caruur dhalaan dhanka kale Diljin Dosanj waxay kujilayaan lamaane reer Punjab ah.

Kaartooyinkan ayeeba dadka kuqosleen maanta oo shactiro ah waxaa la daawan doona 27 December 2019 mashruucan daawadayaashana maanta xiiso ayee usii qaadeen Filimkaan.

Oraahda baraha bulshada ee maanta ayaa ah “Akshay iyo Diljit waxay sugi la’yihiin caruurta loo dhalaayo 27 Dec waana aqbaar farxad leh” oraahdaan oo lagu fasiray magaca Filimka, xiliga la daawanaayo iyo kaartooyinka maanta laga soo bandhigay.

1 COMMENT

  1. Asc bahda flimside marka hore waan idin salaamay marka xigtana waxan idin waydina goorme la daawana filmkan googoskiisa idinkoo mahadsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here