Ugu dambeyntii Junaid Khan ayaa Bollywood-ka kusoo biirayo waxaana aabo u ah Superstar-ka weyn Aamir Khan oo ku caan baxay sameynta aflaanta tayada wanaagsan ee fariimaha waaqiciga ah xambaarsan waana arin in mudo ah la sugaayay in Aamir wiilkiisa fanka Hindiya kusoo biiro.

Shirkada Hindiya ugu weyn Yash Raj Films (YRF) ayaa qaadatay masuuliyada ah in Junaid Khan soo caan bixiso weliba si gaar ah Aditya Chopra oo madax u ah shirkadan ayaa la xariiray Aamir Khan sidoo kalena weydiistay inuu wiilkan soo caan bixiyo ayadoo shirkada YRF ku caan baxay inay soo saartay jilaayaal badan oo maanta magac leh sida Anushka Sharma, Ranveer Singh, Parineeti Chopra iyo Ayushmann Khurrana.

Junaid Khan sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sameenayay ruwaayadaha tiyaatarka laga daawado sidoo kalena xirfada jiliinka wuu soo bartay wuxuuna diiday in shirkada YRF axsaan gaar ah u sameyso madaama Aamir aabihiis yahay asigoo dalbaday in tartan uu galo tijaabana laga qaado markaas uu sameyn doono filimka loo soo bandhigay si aysan dadka u qaadanin in fanka is qaraabeysi uu kusoo galaayo.

Waxay u badan tahay in Junaid Khan mashruuciisa uu ka mid noqon doono filimada dhawaan shirkada YRF ku dhawaaqi doonto xili ay shirkadan awooda badan u dabaal dagi doonto sanad guuradeeda 50-aad waxayna ku dhawaaqi doontaa filimo waa weyn oo jilaayaasha fanka Hindiya xiligan ugu awooda badan hogaamiyaal ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here