Home » . » Aqbaar weyn: Avengers – Infinity War oo noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan gudaha Hindiya sanadkan 2018

Aqbaar weyn: Avengers – Infinity War oo noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan gudaha Hindiya sanadkan 2018

Waxaan caadi ahayn ayaa subaxaan ka socdo ganacsi ahaan tiyaatarada gudaha Hindiya madaama filimka weyn ee Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War uu si waali ah ku furmay.

Avengers – Infinity War ayaa ku furmay 70% ilaa 75% sida shabakada BOI xaqiijisay wuxuuna ku furmay nidaamka loo yaqaan (Bumper Opening) ama sida waalida ah marka ay filimada ku furmaan waana filimka ugu bilaabashada wanaagsan 2018.

Wey jiraan filimo Hollywood ah oo si heer sare ah gudaha Hindiya kaga furmeen sida Spiderman (2007) iyo Fast & Furious 7 (2015) laakiin heerka Infinity War ku furmay horey looma arkin xitaa si naadir ah filimada Hindiga ah ayaa sidaan ku furmaan marka ay fasax heestaan.

Filimka Infinity War waxaa la saaray 2000 oo tiyaatar balse tikit-kiisa waxaa lagu iibsanayaa lacagihii ugu qaalisnaa ebid filim lagu gatto taasi oo ka dhigan filimkaan maalinta kowaad lacago rikoor ah inuu ku furmi doono waayo 4000 tiyaatar uma baahno in la saaro marba haddii tikit-kiisa lacagtii ugu qaalisneyd lagu iibsanayo tiyaatarada xadidan ayaa ku filan waana siyaasad heer sare ah.

Fadlan hoos kaga bogo 5-filim ee sanadkaan 2018 ugu bilaabashada wanaagsan ee gudaha Hindiya laga daawaday sida shabakada BOI soo daabacday:

1. Avengers – Infinity War – 70% (2000-tiyaatar)

 

 

2. Baaghi 2 – 57.5% (3500-tiyaatar)

 

 

3. Padmaavat – 42.5% (3750-tiyaatar)

 

 

4. Black Panther – 32.5% (1000-tiyaatar)

 

 

5. Sonu Ke Titu Ki Sweety – 27.5% (1650-tiyaatar)