Sanjay Leela Bhansali filimkiisa xiga ee Gangubai ee ay hogaamineyso Alia Bhatt waxaa lagu tilmaamay mid kamid ah filimada ugu weyn uguna miisaaniyad culus ee 2020 la daawan doono.

Mashruucan markii hore waxaa la sheegay in Alia Bhatt uu ku wehelin doono Ajay Devgn oo door caawin oo yar ku lahaan doono waana la shaaciyay warkaas doorkiisana waa mid muhiim ah.

Sido kale kooxda Bhansali la shaqeysay waxay sheegen in Alia Bhatt filimkaan ku wehelin doonaan seddex jilaa oo fanka hindiya mug weyn kuleh kuwaaso doorarkooda xadidan yahay ama yar yahay amaba muuqaalo marti oo lafidiyay iska dheh hadaba Ajay jilaaga kowaad haduu noqday waa kuwee labada kale.

Wararka maanta la helaayo waxay sheegayaan in labada kale ay noqdeen Bhansali labada xidig uu Bollywoodka ugu jecel yahay la shaqeyntooda cidkalena ma ahan waa Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone waana war xiiso leh waa hadii si rasmi ah loo shaaciyo.

Ranbir Kapoor ayaa shaashada halmar la wadaagayo gabdhihii uu xiriirka jaceyl lasoo wada wadaagay ee kala ah Deepika iyo Alia waa arin xiiso weyn leh sido kale waxaa xiiso kale leh in Ajay seddexdooda soo afareen doono msane shaashada wadaagi doonaan waxaana kaliya la sugayaa inta si rasmi ah shaaca looga qaadi doono.

Bhansali waxuu markii hore rabay inuu filim isugu keeno Salman Khan iyo Alia Bhatt oo uu hogaamiye kaga dhigay filim magaciisa la dhaho Inshallah balse Salman ayaa isaga baxay mashruucan meel ayuu Bhansali iska dhigay hader Alia ayuu hogaamiye kaga dhigay Gangubai halka Ranbir, Ajay iyo Deepika uu usoo daraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here