Kichcha Sudeep iyo Suniel Shetty filimkoodii Pailwan ee Hit ka weyn ka noqday gobolka Kartaka ayaa haatan shaaca laga qaaday in qayb labaad laga sameyn doono fariintiisa lagdanka iyo feerka daawayaasha ka heleen.

Director Krishna wuxuu yiri “Waxaan diyaariyay qoraalka sheekada Pailwab 2 run ahaantii Sudeep wuu ka helay laakiin wuxuu dhibsanaa feerka iyo lagdanka juhdiga badan ay rabaan qal qaalo badan iyo codsiga taageeerayaashiisa kadib wuu naga aqbalay in Pailwan 2 aan sameyno sidoo kalena Suniel Shetty doorkiisa waa mid adag oo sii jiri doono.”

Sidoo kale kooxda filimka Pailwan waxay shaaca ka qaadeen in dhul weynaha China laga soo dalbaday haatana la bilaabay hanaankii loo mari lahaa filimkan sidii tiyaatarada China loo saari lahaa ayadoo bilooyin qaadan doonto.

Haddii Pailwan suuqa China la saaro wuxuu noqon doonaa filimkii ugu horeeyay shirkada Kannada iska leedahay ee suuqan muhiimka ah la saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here