Wada shaqeyntii Alia Bhatt iyo Shah Rukh Khan ee filimka Dear Zindagi aad ayaa loo soo dhaweeyay waana laga helay hadaba aqbaarta xiisaha leh ayaa ah in xidigahan markale wada shaqeyn dhex mari doonto waxayna ku midoobi doonaan mashruuc cusub.

Warar kasoo baxaya shabakadaha qaar ayaa sheegayaan in SRK qorsheynaayo inuu filim la saxiixdo Alia Bhatt sido kalena shirkadiisa Red Chills ayaa maalgalineyso mashruucan cusub waxaana xusid mudan in filimkaan door ahaan Alia Bhatt midkeeda weynaan doono waxaana muuqato markale in SRK caawiye noqon doono.

Sidaan wada ognahay Dear Zindagi SRK caawiye ayuu u ahaa Alia Bhatt markaana waxuu rabaa inuu filimkaan ku wareejiyo Alia Bhatt iyadana door ahaan masuuliyada qaado hadaba Alia Bhatt sheekada filimka qeybta kowaad waa loo akhriyay goordhowna inee saxiixato ayaa la filaa sida wararka sheegayaan.

Dhanka kale Alia Bhatt waxay ku howlantahay filimka Gangubai ee ay hogaamiyaha ka tahay kaaso looga hadlaayo nolosha haweyney xukumi jirtay Mumbai maafiya weyna ahaan jirtay waxaana mashruucan agaasimaayo Sanjay Leela Bhansali.

Balse dib ayuu udhacay sabab la xariirtay caabuqa Karona oo jiray sido kale Alia Bhatt waxaa qaab Online ah loogu soo daayey filimkeeda Sadak 2 ee aabahed u sameeyay waxaana la jileen Sanjay Dutt, Aditya Roy Kapur iyo kuwa kale balse naceeb daran ayaa loo muujiyay mashruucan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here