Home » . » Aqbaar Weyn: Shah Rukh Khan Iyo Rohit Shetty oo mar sedaxaada wada shaqeyn doona

Aqbaar Weyn: Shah Rukh Khan Iyo Rohit Shetty oo mar sedaxaada wada shaqeyn doona

Kinga Khan Shah Rukh Khan iyo filim sameeyaha awood badan Rohit Shetty  waxay isla sameeyeen filimada guusha wacan gaaray Chennai Express iyo Dilwale.

Waliba si qaas labadaan awooda badan waxaa lagu xasuusta filimkooda blockbuster weyn noqda Chennai Express oo Deepikada Padukone atariisho ka aheyd.

Ka dib waxa ay isla sameeyeen filimka guusha wacan gaaray Dilwale, oo isku keenay SRK iyo lamaanahiisa shaashada Kajol oo kula wehliyeen Varun Dhawan iyo Kriti Sanon.

Haddaba Dilwale ka dib qof walbo wuxuu hadal heeyay in SRK iyo Rohit qilaaf soo dhax maraya mar kalena wada shaqeyn doonin labadaana awood bollywood-ka ku leh.

Haddaba maanta waxaa la hadal heeya in filim jidka kusoo jiro kaasi oo ku midoobi doona Shah Rukh Khan iyo filim sameeye Rohit Shetty waxaana lawada dhowri doona in labaadan goor dhow shaaca ka qaadaan mashruucaan weyn.

Dhinaca shaqada SRK wuxuu ku mashquulsan yahay filimka ninka gaaban ku matalaayo ee Aanand L Rai  iska leeyahay waxaana la jili doona Katrina Kaif iyo Anushka Sharma waxaana la daawan doona dhamaadka sanadka danbe.