Warar ayaa la helay sheegayaan in Mega Superstar Shah Rukh Khan uu kasoo muuqan doono mashruuca weyn ee Brahmastra waana mid ka farxisay dhamaan taageerayaashiisa marba hadee arkayaan xaggaagga 2020.

Brahmastra waa Filim taxane noqon doono oo Super Hero ah qeybtiisa kowaad Xaggaagga 2020 ayaa la daawan doonaa waxaana la isugu keenay xidigaha kala ah Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt, Akkineni Nagarjuna, Dimple Kapadia iyo kuwa kale oo badan.

Warar ayaa la helay oo sheegayaan in SRK muuqaal marti ah kulahaan doono Filimkaan waliba muuqaal marti la fidiyay doorkiisana waa furaha Filimka waana door muhiim ah sida la sheegay kahor inta uusan sanadkaan dhamaanin ayuuna duubi doonaa doorkiisa.

Maxaa ka xiiso badan in shaashada la isugu keeno Big B, Ranbir iyo SRK daawadayaasha aad ayee u xiiseynayaan arinkaa sido kale SRK ayaa la sheegay dalabkaan inuu horey ka aqbalay maadama Directo Ayan Mukerji xirfadiisa uu jecel yahay.

Karan Johar ayaa qarash gareynaayo waana sababta ugu weyn SRK oga soo muuqan doono dhanka kale Ranbir iyo SRK xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyo waana sabab kale uu SRK oga soo muuqan doono mashruucan maadama Ae Dil Hai Mushkil uu horey shaashada ula wadaagay.

Waxaana meesha laga saari karin in Big B iyo SRK xushmad balaaran ka dhaxeyo wiil iyo waalidkiis oo kalena u wada dhaqmaan waxaan sugnaaba waa inaan wada daawano Big B, SRK, Ranbir iyo Alia oo shaashada wadaagayaan ugu dambeyn Mouni Roy ayaa Filimkaan laadar ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here