Superstar-ka reer Tamil Chiyaan Vikram ayaa ku faraxsan inuu ugu dambeyntii kaamirada soo hor istaagay madaama 8-bilood ugu dambeesay karoonaha keenay in guryaha la galo oo shaqooyinka fanka Hindiya gabi ahaanba istaagaan. Balse Vikram haatan filimkiisa weyn Cobra ayaa duubistiisa dib u bilaabay qaybaha ugu muhiimsan ee ka harsan mashruucan.

Filimka Cobra waxaa Director ka ah Ajay Gnanamuthu wuxuuna Vikram ku matalaa 8-waji ama door oo kala duwan asigoo Action waali ah sameyn doono iyo xarakaad aan horey loo arag wuxuuna dib uga amba qaaday duubista filimkan oo ka bilaabatay magaalada Chennai waana jadwalka ugu dambeeyo ee duubista filimkan sida guud lagu soo gab gabeyn doono kadibna waxaa shaaca laga qaadi doonaa waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono.

Filimka Cobra waxaa atirisho ka ah Srinidhi Shetty oo filimkii KGF ku caan baxsay waana markii ugu horeesay oo ay filim Tamil ah sameeneyso ayadoo xidigtan ku faraxsan inay Superstar Vikram shaashada la wadaagto madaama mashruucan door adag ku leedahay. Sidoo kale filimkan waxaa door muhiim ah ku leh xidiga cayaarta Cricket-ka cayaaro Irfan Pathan iyo KS Ravikumar oo isagana door adag ku leh.

Filmkan weyn waxaa soo saare ka ah shirkada lagu magacaabo Seven Screen Studio halka muusiga uu sameeyay AR Rahman waxaana horey looga soo bandhigay hees lagu magacaabo Thumbi Thulal oo jaceyl ah muuqaal ahaana laga duubay Vikram iyo Srinidhi, fadlan heeskan hoos ka daawo haddii aadan horey u daawanin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here