Xidigii caanka ah sidoo kalena Bollywood-ka laga jeclaa Fardeen Khan ayaa shaashada dib ugu soo laabanayo markaana qorshihiisa wuxuu yahay inuu sameeyo filimada sida Online-ka ah loo daawado madaama suuqan uu noqday haatan jilaa kasto u fursan sidoo kalena kobac xoogan sameenayo dhan walbo.

Sidaa darteed Fardeen Khan wuxuu la kulmay Director Mukesh Chhabra oo sameeyay filimkii Dil Bechara oo ahaa Sushant Singh Rajput-kii geeriyooday filimkiisii ugu dambeeyay Online ahaana loo daawaday dabyaaqadii July 2020. Mukesh Chhabra wuxuu caan ku yahay inuu jilaayaasha u raadiyo sameynta mashaariic kala duwan sidaa darteed Fardeen wuxuu iska diiwaan galiyay xafiiska Mukesh Chhabra si loogu raadiyo shirkad uu u sameeyo filimada sida Online ah loo daawado.

Sidoo kale Fardeen Khan miisaanka ayuu iska dhimay sida aad sawirka sare ka dareemi kartiin wuxuuna isku soo diyaariyay inuu shaashada kusoo laabto asigoo atoorahan diyaar u ah sameynta door walbo laga siinayo filimada Online ahaan loo daawado. Sidoo kale Fardeen wuxuu saxaafada u sheegay in xitaa uu maal galin doono sheekooyin kala duwan haddii ay filim sameeyayaasha usoo bandhigaan mashaariic qanciyaan sheeko ahaan kadibna uu hogaamiye ka noqon doono.

Fardeen Khan sanadii 1998 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray wuxuuna kusoo caan baxay filimkii Prem Aggan kadibna wuxuu sameeyay aflaan badan oo caan ah waxaana ka mid ah Pyar Tune Kya Kiya, Bhoot, Love Ke Liye Kuch Bhi Karega, Dev, Khushi ,No Entry, Heyy Babyy iyo All The Best. Xidigan filimkiisii ugu dambeeyay ee uu door dhameestiran ku lahaa lana daawaday wuxuu ahaa Dulha Mil Gaya oo sanadii 2010 la daawaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here