Waxaan 2018 daawanay mashruuca xiisaha lahaa ee  Satyameva Jayate 2 oo uu John Abraham si heer sare ah u sameeyay hadaba daawadayaasha ayaa laga farxinayaa hader maadam kooxda filimka la sheegay inee soo noqonayaan ayagoo qeybta labaad filimka wataan.

Director Milap Zaveri iyo John Abraham ayaa doonayaan inee qeybta labaad filimka la imaadaan maadama daawadayaasha soo dhaweyeen qeybtii hore guul wacana gaaray.

Filimkaan waxuu ka hadlayaa askari daacad ah oo doonayaa inuu magaalada Lucknow ka sifeeyo burcada iyo tuugada ka buuxan iyo ujeedkiisa ugu weyn oo ah inuu dhameeyo askarta calooshood ushaqeystayaalka ah ee sharciga iyo shicibkaba ku tunteen hadaba John oo doorkaas jilaayo ayaa siweyn iskusoo diyaariyay.

Mashruuca waxaa atiriisho ka ah Divya Khosla Kumar waxaana la qorsheeyay in la daawado ciidul fitriga 2021 oo ku began 12 May 2021 hadeysan qorshaha wax iska bedelin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here