Atiriishooyinka koonfur hindiya ku xifaaltamaan Samantha Akkineni iyo Rashmika Mandanna ayaa markii ugu horeysay taariikhda lasoo tabinayaa inee shaashada wadaagi doonaan waliba hal filim wada hogaamin doonaan inkastoo warkaan wali shaaca laga qaadin hadana dad lagu kalsoon yahayayaa soo gudbiyeen.

Hindiya ayaa si tartiib tartiib ah looga qaadayaa xayiraada iyo bandowgii Corona jiray shaqooyinkii iyo Filim jilista ayaa dib u bilaawdeen durbana jilayaasha mashaariic xiiso leh ayee saxiixdeen kuwa kalea ka howl galeen hadaba arinkaan labada atiriisho ayaa noqday mid xiiso leh.

Waxaa la sheegay inee filimka ku jili doonaan labo gabdho walaalo ah sido kalea doorarkooda kuwa awood leh ayaa laga dhigaa maadama mid walba xiligaan awood ku leedahay koonfur India sido kalena xifaaltan weyn ayaa atiriishooyinkan ka dhaxeeyo.

Hader waxaa la sugayaa in shaaca laga qaado xogtaan kadibna waxaa la ogaan doonaa waqtiga la daawanaayo iyo xiliga duubistiisa bilaawan doonto balse 2021 ayee u badantahay in la daawan doono bal kawaran atiriishooyinkan oo hal filim loo wada dhiibay waliba iyagaa atoorayaal oo kale ka ah mashruuca.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here