Home » Nolosha Jilaayaasha » Aqbaaraad Ku Sabsan Bollywood-ka Iyo Nolosha Jilaayaasha Caanka Ah (+Sawiro)

Aqbaaraad Ku Sabsan Bollywood-ka Iyo Nolosha Jilaayaasha Caanka Ah (+Sawiro)

Waxaan idiin heynaa warbixino xiiso badan oo ku saabsan filimada Bollywood-ka iyo nolosha xidigaha caanka ah kuwaas oo horey udhaceen balse la isku keenkeenay warbixinoyinkas.

Guud ahaan dhacdooyinka waa kuwa horey udhacay balse ah warar la iskukeenkeenay gabi ahaanba, waxayna kamid noqdeen wararkii ugu xiisaha badnaa Bollywoodka.

Katrina Kaif Oo Dalka Morocco Ku Sugned Sanadkii 2016: xidigtaan la wada jecel yahay ayaa Waqooyiga Afrika ku sugned waxayna ku duubeysay halkaas xiligaas filimkeeda Jagga Jasoos ee uu Director Anurag Basu iska leeyahay waxaana filmkaan la daawaday sanadkaan 2017 bartamihiisa.

Saif Ali Khan Gabadhiisa Sara Ali Khan oo ka qalin jabisay Columbia University waa jaamacad caan ah oo magaalada New York ku taalo waxayna gabadhaan qalin jabisay bartamihii sanadkii hore 2016.

Pooja Batra oo ka mid noqotay dadkii caanka ahaa ee xafladii Cannes 2016 bandhiga Model-ka iyo Fashion-ka sanadkii hore kasameyeen xidigtaan oo 90kiina atiriisho ahed.

Pooja Bedi Iyo Ayesha Jhulka oo kulan wada qaateen sanadkii hore 2016 mudo dheer kadib waxaana naga xasuusin ah in labadaan atirisho ay wada jileen filimkii Jo Jeeta Wohi Sikandar ee sanadii 1992 la daawaday.

Aditya Roy Kapur iyo Shraddha Kapoor oo laga soo bandhigay sawir ay muuqaal dareen ku dheehan wadagaayaan waana filimkooda Ok Jaanu oo la daawaday 13 Jan ee sanadkaan 2017 bilawgiisa.

 

Waxaan idin la wadaagnay warbixinooyin hore oo la iskukeen keenay hadaba waa midee ama warbixintee ka heshay oo ku xiiso galisay wararka aan idin la wadaagnay.

 

One Response to Aqbaaraad Ku Sabsan Bollywood-ka Iyo Nolosha Jilaayaasha Caanka Ah (+Sawiro)

  1. Hargeizawi Reply

    December 4, 2017 at 10:11 am

    Please naga daaaya waxan oo xayaysiis ah Reer filimside, maxay tahay sidani xataa liiska midig ee wararka ugu aqriska badan ma shaqeynayan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *