Marnaba ma hilmaami karno in bilawgii sanadkan Superstar Mohanlal Blockbuster weyn ka dhigay filimkii Lucifer waana filim Malayalam ah sidoo kalena Vivek Oberoi ayaa mashruucan laadar ka ahaa halka jilaayaal kale doorar muhiim ah ku lahaayeen sidoo kalena Mohanlal wuxuu xaqiijiyay in mashruucan qayb labaad laga sameenayo.

Haatan filimka Lucifer waxaa iibsadeen qoyska ugu awooda badan Tollywood waxaana dib loo sameynaa asigoo Telugu ah ayadoo ay kasoo wada muuqan doonaan Chiranjeevi iyo walaalkiis Pawan Kalyan iyo wiilkiisa Ram Charan.

Director Prithviraj Sukumaran oo sameeyay Lucifer asigoo Malayalam ah ayaa ku dhawaaqay in asigoo Telugu ah la sameenayo waxaana doorka hogaaminta ee Mohanlal matali doono Chiranjeevi halka booskii askaragi ee Prithviraj Sukumar sameeyay uu matali doono Pawan Kalyan halka Ram Charan uu matali doono booskii Tovino Thomas oo isagana ku mataalayay inuu noqonaayo hogaamiyaha xisbiga marka aabihiis geeriyoodo tallada la wareegayo.

Waxaa la wada sugaa in lagu dhawaaqo booskii Vivek Oberio matalay ee laadarka awooda badan ahaa atooraha matali doono ee filmkan lagu soo dari doono sidoo kalena la xifaaltami doono Chiranjeevi, walaalkiis Pawan Kalyan iyo wiilkiisa Ram Charan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here