Home » Box Office » Aqrisrastayaasha Filimside oo u doorteen Ajay Vs Aamir isku dhaca ugu weyn 2018

Aqrisrastayaasha Filimside oo u doorteen Ajay Vs Aamir isku dhaca ugu weyn 2018

Afar maalmood ka hor waxaan idinla wadaagnay maqaal aan kaga hadleenay isku dhacyada ugu waa weyn ee 2018 la arki doono madaama filimo waa weyn iyo shaqsiyaad Bollywood-ka caan ka ah Boxoffice-ka ku hardami doonaan.

Maqaalkii aan soo gudbinay wuxuu ahaa: Salman-Aish, Aamir-Ajay, SRK-Ranveer iyo isku dhacyada ugu weyn Boxoffice-ka 2018 (+sawiro)

Aqruistayaasha Filimside waxay u codeeyeen Ajay Devgn Vs Aamir Khan isku dhaca Diwali 2018 Boxoffice-ka ku dhex mari doono inuu yahay midka ugu xiisaha badan 2018.

Ajay oo wato filimka Total Dhamaal wuxuu la tartami doonaa 7 November 2017 Aamir Khan oo wato filimka Thugs Of Hinduston waxaana u codeeyeen 52.78% aqristayaasha Filimside in isku dhacaan uu yahay midka ugu xiisaha badan.

SRK iyo Ranveer Singh dagaalka Boxoffice-ka ku dhex mari doono Christmas 2018 ayay aqirayaasha Filimside u doorteen isku dhaca labaad sanadka dambe ugu xiisaha badan wuxuuuna helay 18.52% codadka guud.

SRK wuxuu wataa filimka uu cilinka ama ninka gaaban ku jilaayo halka Ranveer isagana wato filimka Telugu ah Temper oo dib loo sameenayo asigoo Hindi ah waxaana Director ka ah Rohit Shetty.

Salman Khan oo Race 3 wato iyo Aishwarya Rai Bachchan filimkeeda Fanney Khan ayaa isku dhici doonaan Eid 2018 waana isku dhaca sedexaad ee aqristayaasha Filimside sugayaan wuxuuna helay 13.89% codadka guud.

Akshay Kumar oo wato filimka Padman waxaa Republic Day oo ku beegan 26 Janaayo 2018 Boxoffice-ka kula hardami doono Sidharth Malhotra iyo filimkiisa Aiyaary waxayna aqristayaasha siiyeen 6.48% codadka guud.

Rajinikanth iyo Varun Dhawan ayaa Boxoffice-ka ku tartami doonaa 13 April 2018 waxayna kala wataan 2.0 iyo October waxayna heleen 5.56% codadka guud.

Ugu dambeyntii Tiger Shroff dagaalka uu Kangana Ranaut la galaayo aqristayaasha Filimside xiiso uma qabaan madaama 2.77% codadka guud heleen isku dhaca filimada Baaghi 2 iyo Manikarnika.

5 Responses to Aqrisrastayaasha Filimside oo u doorteen Ajay Vs Aamir isku dhaca ugu weyn 2018

  1. rudwaandxt Reply

    December 3, 2017 at 12:24 pm

    waa la is arki doonaa 2018 aan argno

  2. Jesse lingard Reply

    December 3, 2017 at 2:03 pm

    Mr score cidna ma xiri karto walaw gaban hda blaabay 100corore baad agdhigaysan wiil 1000crore gray

  3. Yaya Reply

    December 3, 2017 at 5:40 pm

    Barnamijkii waydin iyo warcelin xagee ayuu kabaxay Sxb
    Barnamijyada xiliyada aan uga baranay noo soodaya haday cilad timadana Nala soo socodsiiya
    #Talo-Mahadsanidin

  4. cabdirashiid axmed rooble Reply

    December 3, 2017 at 6:58 pm

    aamir khan 300 ma gaadhayo sanadkan.
    aktarada bollywoodka cabsi ayaa haysa aamir feesto fasax jiro iyo tiyaataro banaan ayuu heli jiray.
    ma naxe ajey ayaa u badheedhay waxaanan ku han wey nahay filimkan qosolka ah ee uu indra kumar wado in uu noqon karo filim tartan geli kara.

  5. cabdirashiid axmed rooble Reply

    December 3, 2017 at 6:58 pm

    aamir khan 300 ma gaadhayo sanadkan.
    aktarada bollywoodka cabsi ayaa haysa aamir feesto fasax jiro iyo tiyaataro banaan ayuu heli jiray.
    ma naxe ajey ayaa u badheedhay waxaanan ku han wey nahay filimkan qosolka ah ee uu indra kumar wado in uu noqon karo filim tartan geli kara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *