Filimka Baaghi 3 waa qeybta 3aad ee taxanaha Baaghi kaasoo uu hogaamiye ka yahay jilaaga dhalinta yar ee Tiger Shroff waxaana ku wehliso atariishada Shraddha Kapoor.

Filimkaan oo kamid ah filimada sida weyn loo sugaayo sanadkaan 2020ka ayaa waxaa la daawan doomaa 3da bisha Maarso ee sanadkaan balse waxaa maanta laga soo bandhigay aragtidiisa koowaad.

Aragtida koowaad oo la soo bandhigay ka sokow waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in goos gooska filimkaan uu soo bixi doono 6da bishaan Febraayo oo ku beegan khamiista soo socoto waana mid siweyn loo sugaayo.

Waxaa xusid mudan in filimkaan qeybtiisa koowaad ee la daawaday 2016dii ay noqotay Hit halka qeybtii 2aad ee la daawaday 2018diina ay noqotay Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here